Munaasabad Lagu soo nooleynayay Hidaha iyo Dhaqanka oo Lagu qabtay Jowhar+Sawirro

Munaasabadan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa loogu Magacdaray Maalinta Soo nooleynta Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Degmada Jowhar, Mas’uuliyiita Maamulka Gobolka Shabelaha Dhexe, Odayaasha Dhaqan Degmada, Fanaaniinta, Saxaafada, Dhalinyarada Gobolka iyo Ururka Haweenka Gobolka Shabelaha Dhexe.

Waxaana soo qaban qaabiyay Hey’ada wacyigalinta Bulshada ee Marka Magaceeda Lasoo gaabiyo Looyaqaano CCA.

Intii ay socotay Munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Ciyaaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana goobta lagu xardhay agab dhaqameedka soomaaliyeed.

Gudoomiye ku xigeenka siyaasada iyo amniga degmada jowhar mudane Abshir Cadow Hiraabe oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay soo nooleynta dhaqanka Soomaaliyeed oo uu ku sheegay mid ay ku amaanantahay hay’adda soo qaban qaabisay ee CCA.

Mudane Abshir ayaa codsaday in lasii kordhiyo howlaha lagu soo nooleynayo Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, si loo baro dhalinyarada Jowhar in dhaqanka uu yahay mid wanaagsan.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Xafalada Gudoomiye ku xigeenka maaliyada ee Degmada Jowhar Mudane Xasan Barow Bocor oo kaga mahad celiyey bulshada reer Jowhar sida weyn oo ay uga soo qeyb galeen munaasabdda soo nooleynta Hidsaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo ay soo buuxiyeen garoonka Degmada.

Gudoomiyeyaasha Afarta Xaafadood ee Degmada Jowhar iyo Taliyaha Nabad sugida Degmada ayaa  ka dhexmuuqanayay Bulshada reer Jowhar ee goobta soo buux dhaafiyay isla markaana wajiyadooda uu dhaqan jaceyl ka muuqatay.

Dhamaan Mas’uuliyiintii Munaasabada ka hadashay ayaa si aad ah ugu mahadceliyay Hey’ada wacyigalinta Bulshada Soomaaliyeed ee CCA doorka weyn ay ka qaadaneyso soo nooleynta Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysnaa Nabada iyo Dhaqan wanaaga.

Mas’uuliyiintii kasoo qeyb gashay Xaflada oo uu kamid ahaa taliyaha guutada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Ibraahim Yuusuf ayaa  si farxad ku dheehan tahay waxa ay u dhex galeen kooxihii dhaqanka iyo fanaaniinta si Farxada iyo qoobka ciyaarka ay ula wadaagaaan.

Fanaaniinta Gobolka iyo kuwo Marti ku ahaa Jowhar ayaa soo bandhigay Ciyaaro Dhaqan iyo Heeso Wadani iyo Jaceylba lahaaa kuwaas oo ay bulshadii goobta isugu timid ay si aad ah uga maqsuudeen.

Hay’adda CCA ayaa ah hay’ad wacyigalineed oo door muuqda ka qaadato soo nooleynta dhaqanka Soomaaliyeed, iyo Wacyigalinta Bulshada.

IMG_0103 IMG_0110 IMG_0132 IMG_0161 IMG_0178 IMG_0231 IMG_0235 IMG_0242 IMG_0247 IMG_0262 IMG_0314 IMG_0335 IMG_0395 IMG_0423 IMG_0428 IMG_0455 IMG_0474 IMG_0508 IMG_0527 IMG_0535 IMG_0549 IMG_0553

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor