Munaasabad lagu furayo Tartanka Qur’aan Akhriska ee Idaacadda Dalsan oo lagu qabtay Hotelka City Palace(Sawirro)

Xaflad lagu daah-furayey Tartanka Qur’aan Akhriska ee Idaacadda Dalsan Radio ayaa waxaa barqanimadii maanta lagu qabtay Hotelka City Palace ee magaalladda Muqdisho.

Munaasabadaasi oo ay ka soo qeyb galeen Agaasimaha Idaacadda Dalsan, Xasan Cali Geesey, Ku-xigeenka Madaxa Xawaaladda TAAJ, Maxamed Axmed Yuusuf, Mashaa’iq iyo Macallimiin ka kala socotay Dugsiyadda Qur’aanka ee magaalladda Muqdisho iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Idaacadda Dalsan, Xasan Cali Geesey oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay inay Warbaahinta Dalsan muhiimad gaar ah siiyaan Horumarinta Diinta Islaamka iyo Dhiiri-gelinta Aqoonta Jiilka soo korayo.

Waxa uu xusay inay Idaacaddu sannad kasta bisha Ramadaan qabanqaabiso  Tartanka Qur’aan Akhriska, kaasi oo ay ka soo qeyb galaan inta badan Malcamadaha Qur’aanka ee ka dhisan magaalladda Muqdisho iyo Goballadda kale.

“Idaacadda Dalsan waxay haad iyo jeer diyaar u tahay dhiiri-gelinta iyo Horumarinta Dusgiyadda Qur’aanka, si ay ubadka soo korayo u noqdaan Xaafidul-Qur’aan aqoon fiican u leh Diinta Islaamka” ayuu yiri Agaasimaha Idaacadda Dalsan.

Madaxa Arrimaha Diinta ee Idaacadda Dalsan , ahna Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka ee Tartanka Qur’aan Akhriska, Fadiilatul-sheekh Axmed-nuur Cabdi Jimcaale o oka hadlay madasha Furitaanka Tartanka, waxa uu faahfaahin ka bixiyey Fadaa’isha Qur’aanka Kariinka iyo Ahmiyadda Tartanka Qur’aan Akhriska ee ay Idaacadda Dalsan u qabanqaabisay Ardayda dhigata Malcamadaha lagu barto Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

Waxa uu tilmaamay inay Tartanka ka qeyb geli doonaan Arday ka kala socota 20 Dugsi oo ku yaalla magaalladda Muqdisho, oo isugu jira wiilal iyo gabdho ay da’doodu u dhexeyso 8 jir ilaa 14-jir.

Waxa uu intaasi ku daray inay Tartanka ka qeyb geli doonaan wiil iyo gabdho ay da’doodu u dhexeyso 8 jir ilaa 14-jir, kuwaasi oo  ku baratami doonaan 10-ka Jus, 20-ka Jus iyo 30-ka Jus.

Ku-xigeenka Madaxa Xawaaladda TAAJ, Maxamed Axmed Yuusuf ayaa issagana ka hadlay Munaasabadda lagu daah-furayey Tartanka Qur’aan Akhriska Qur’aanka Kariimka ee Idaacadda Dalsan.

Waxaa uu Madaxda Idaacadda Dalsan ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan Kobcinta Aqoonta Ardayda Soomaaliyeed iyo Dhiiri-gelinta Tartamadda Ardayda ku baratamayso Xifdinta iyo Akhriska Qur’aanka Kariimka.

Waxa kaloo uu tilmaamay inay Shirkadda Xawaaladda ee TAAJ had iyo jeer diyaar u tahay dhiiri-gelinta iyo Horumarinta Dusgiyadda Qur’aanka, si ay ubadka Soomaaliyeed ee soo korayo u noqdaan kuwo  Xaafidul-Qur’aan oo aqoon fiican u leh Ku-dhaqanka Diinta Islaamka.

Ku-xigeenka Madaxa Shirkadda Xawaaladda TAAJ, Maxamed Axmed Yuusuf waxa uu shaaciyey inay Shirkadda Xawaaladda TAAJ bixin doonaan dhamaan Abaalmarindda la siinayo Ardayda ku guuleysata Tartanka Qur’aan Akhriska.

Dhinaca kale, Madaxa Raabidadada Ansaarul Qur’aanul Kariim, Macallim Yuusuf Axmed Qalinle, ayaa isagana ka hadlay Munaasabadaasi, wuxuuna uga magadceliyey Madaxda Idaacadda Dalsan dadaalka ay ugu jiraan Horumarinta Diinta Islaamka iyo Dhiiri-gelinta Ardayda ku tartamaysa Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

Waxa uu tilmaamay inay Raabidadu hoos yimaadaan in ka badan 250 Dusgiyo lagu bart Qur’aanka Kariimka oo ku yaalla gudaha dalka iyo dibediisa, wuxuuna ku baaqay in la horumariyo  Dugsiyadda lagu barto Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo  Dhaqanka Islaamka.

Dhinaca kale, Guddiga Qabanqaabadda Tartanka Qur’aan Akhriska ee Idaacadda Dalsan ayaa sheegay inuu Tartanku si rasmi ahaan duhurnimadda berrito oo Axad ah ka bilaaban doono Xarunta Dhexe ee Idaacadda Dalsan ee magaalladda Muqdisho.

Agaasimaha Idaacada Dalsan: Hassan Ali Geeseey

Madaxa Barnaamijyada Diiniga ee Idaacada Dalsan:Shiiq Axmed Nuur Cabdi Jimcaale.

Kuxigeenka 2aad ee Xawaalada Taaj: Maxamed Axmed Yusuf.

 

IMG_4235

IMG_4236 IMG_4239 IMG_4240 IMG_4242 IMG_4247 IMG_4248 IMG_4251 IMG_4258 IMG_4261 IMG_4272 IMG_4274 IMG_4280 IMG_4281 IMG_4285 IMG_4290 IMG_4298 IMG_4305 IMG_4331 IMG_4344 IMG_4345 IMG_4346 IMG_4347 IMG_4351 IMG_4354 IMG_4360WQ: C/waxiid C/llaahi Daahir iyo C/llaahi Xasan Cilmi “Qoslaaye”

© Warqabadka Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor