Munaasabad lagu dhameystirayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna oo Maanta ka dhaceysa Dhuusa Mareeb

Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in ay Maanta ay ka dhacdo munaasabad lagu dhameystirayo heshiiskii Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna oo ay horay ugu gaareen Magaalada Muqdisho.

Munaasabada heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka noqon doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Madaxda Galmudug, Madax ka socota Beesha Caalamka iyo inta badan Bulshada deegaanada Galmudug.

Qodobada heshiiskii ay horay u wada saxiixdeen Madaxda Galmudug iyo Ahlusunna oo ku biiray ayaa waxaa ka mid ahaa in loo guuro Dhuusa Mareeb in la iskudaro labada Baarlamaan iyo Ciidamada labada dhinac  iyo in dhammaan si iskumid ah loo wada qeybsado awooda Maamulka Galmudug isla markaana madaxda Xukuumadda Galmudug uu noqdo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ahaa Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna.

Wufuud ka socota Beesha Caalamka ayaa iyana Maanta Dhuusa Mareeb tegi doona si ay Goobjoog uga noqdaan Munaasabada dhameystirka heshiiska,waxaana haatan Dhuusa Mareeb ka socota qaban qaabada furitaanka munaasabada.

Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira iyo Shacabka deegaanada Galmudug ayaa rajo wanasgan ka qaba in heshiiskaas uu noqdo mid miradhala isla markaana ay wax wanaagsan ka soo baxaan,balse waxaa jira Odayaal ka soo jeeda Magaalada Cadaado oo diidan heshiiskaas.

Ammaanka Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxna la arkayaa ciidamada Maamulka Ahlusunna oo ad ula socda dhaq dhaqaaqa Gawaarida iyo dadweynaha,iyada oo Gawaarida qaar ay baaritano ku sameynaya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media