Munaasaabada Taakuuleynta Ciidamada oo ka socota Dugsiga Tababarka Ciidamada Gen,kaahiye

Munaasabad loogu magacdaray Daahfurka Guddiga Qaran ee taakuleynta Ciidamada  Soomaaliya aya iminka ka socota Xarunta tababarka Ciidmada Booliiska Soomliya ee Gen,kaahiya ee Magaalada muqdisho.

Munaasabada ayaa waxaa Goobjoog ka ah Madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweyne Farmaajo,Ra’iisul Wasaare kheyre,gudoomiyaha Gobolka Banaadir masuuliyiinta talisyada Ciidamada xoogga dalka iyo kan Booliiska Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Masuuliyiinta ka qeybgaleysa Munaasabada ayaa qaarkood waxa ay balan qaadeen in ay bixin doonaan lacago lasiin doono ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa halkaasi lagu soo bandhigay ACCOUNT,cidii wax bixineysa ay lacago ku shubi karaan.

Wixii ku soo kordha Munaasabada kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media