Mukhalasiin dad madax furasho aan ugu haysta Talyaaniga oo la baadi-goobayo.

Boliska Talyaaniga ayaa maanta soo saaray Amar lagu soo xirayo (Arrest Warrants) 13 qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Shabakad Dadka soo tahriibiya, kadibna madax furasho ahaan si qarsoodi ugu hayaan Dhismooyin ku yaalla magaalladda Kataniya ee Jesiiradda Sishiliya.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska Talyaaniga ayaa lagu sheegay in Eedeysanayaasha oo badankooda Soomaali ah lagu eedeynayo inay taageeraan Tahriibayaasha sida sharci-darradda lagu keeno dalka Talyaaniga.

Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA ayaa baahisay inay Boliska Talyaaniga  hayaan xog la xiriirta in dadka la afduubtay si qarsoodi ah loogu hayo Dhismooyin Gaar loo leeyahay oo ku yaalla Jesiiradda Sishiliya.

Dadka  ay Mukhalasiinta Ma-gefayaasha ah ku haystaan Talyaaniga ayaa la sheegay inay La-haystayaasha Tahriibayaasha ku khasbaan inay Ehelkooda la hadlaan, loona soo diro Lacago madax-furasho ah,  iyagoo u sheegaya in loo sii gudbin doonaan dalalka kale ee Europe.

Dacwad-oogaha magaalladda Kataniya ee Jesiiradda Sishiliya ayaa la filayaa inuu gelinka dambe ee maanta qabto Shir Jaraa’id oo uu ku faahfaahinayo Hawlgalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, Boliska Talyaaniga waxay sheegeen inay Hawlgalo Baaritaano ah oo ay bilaabeen bishii October ee sannadkii hore ku soo xoreeyeen dhowr Daraasiin Muwaadiniin Soomaali ah oo ay ku jireen kuwo aad u da’ yar oo afduub loogu haystay qeybo ka mid ah Talyaaniga.

Xigasho: DPA

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor