Mukhalas Soomaali ah oo dadka u tahriibin jirey UK oo lagu xukumay Xabsi

Maxkamadda York Crown Court ee dalka Britain ayaa la soo tagaay Muwaadin Somali haysta Dhalashadda dalka Holland oo lagu magacaabo Abubakar Omar oo 27-jir ah, kaasi oo lagu soo oogay inuu ku lug yahay Hawlaha Tahriibka ee Dadka sida sharci-darada ah lagu soo geliyo dalka Britain.

Sida aan ka soo xiganay Shabakadda Wararka ee Yorkshire evening post.co.uk waxaa Eedeysanaha lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Bradford ee magaalladda Leeds bishii October 30-dii ee sannadkii 2014-kii.

Saraakiisha Garoonka ayaa qabtay, xilli uu doonayey inuu si sharci-darro ah ku soo galo dalka Britain, isagoo la socday Duullimaad ka yimid magaalladda Pisa ee dalka Talyaaniga.

Abubakar Omar ayaa lala qabtay haweeney lagu magacaabo Ilhaam Xuseen Ibraahim oo 22-jir ah, taasi oo ku tahriibinayey Baasaboor British ah oo aysan lahayn.

Baaritaan ay Boliska sameeyeen ayey ku heleen Eedeysanaha inuu ku lug lhaa 3 Isku-day oo uu doonayey inuu dad Somali ah si sharci-darro ah ku soo geliyo  dalka Britan.

Mukhalaska waxaa lagu xukumay 6-sanno, halka Ilhaam Xuseen Ibraahim iyadana lagu xukumay 18-bilood.

Dhinaca kale, Maxkamadda waxay horey xukun ugu riday Abdirizak Amin Hasasn oo 35-jir ah, kadib, markii ay Boliska ogaadeeninuu dhowr jeer Telefonkiisa kala xiriiray Mukhalaska Abubakar Omar.

Abdirizak oo haysta dhalashadda UK, waxa uu u ololeynayey sidii ay xaaskiisa Ilhaam Xuseen Ibraahim ku soo geli lahayd dalka Britain.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media