Muhaajiriin Soomali ah oo laga soo musaafuriyey dalka Libya

Hay’adda ka-hortagga Muhaajiriinta Sharci-darradda ugu nool dalka Libya ayaa shaacisay inay 106 Tahriibayaal ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Eritrea iyo Ethiopia laga soo tarxiilay dalkaasi, kuwaasi oo Transit ahaan looga dejiyey Caasimadda dalka Chad ee Niyaami (Niamey).

Shabakadda Wararka ee Alwasad.ly ee dalka Libya ayaa qortay in Tahriibayaasha la dhoofiyey kala ahaayeen 83 haween, 14 carruur iyo 7 rag ah,

Sidoo kale, Hay’adda ka-hortagga Muhaajiriinta Sharci-darradda ugu nool dalka Libya waxay bartooda rasmiga ee  Facebook ku sheegeen in Muhaajiriintaasi maalinti Talaadada ee isbuucan ka ambabaxeen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Maitika International Airport oo ku yaalla magaalladda Tripoli, kana degeen Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Chad ee Niamey,

Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Felipe Grandi iyo Madaxa Xafiiska Kontoroolka Socdaalka ee magaalladda Tripoli, C/naasir Axsaam ayaa goobjoog ku ahaa Garoonka laga dhoofiyey Muhaajiriintaasi.

Filippo Grandi, oo ka hadlay Shir Jaraa’id oo lagu qabtay magaalladda Tripoli ayaa sheegay inaan Xiisadda Muhaajiriinta lagu xalin Karin hal meel, wuxuuna ugu baaqay inay iskaashi yeeshaan dalalka ay asal ahaan Muhaajiriinta ka soo jeedaan iyo in la taageerp dhamaan dalalka ay Transit-ka ku yihiin Muhaajiriinta, gaar ahaan dalalka Libya iyo Nayjar.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media