Muhaajiriin Soomaali ay ku jiran oo Meydadkooda laga Helay Xeebaha Libya

Meydadka ku dhowaad 95 muhaajiriin oo badankooda ka kala tagaya wadamada Africa oo ay soomaaliya ku jirto ayaa meydadkooda laga helayb xeebaha dalka libiya, sida afhayeenka hey’adda Gar-gaarka dalkaasi Mohamed al-Masrati.

Meydadka ayaa 85 kamid ah waxaa laga helay meel udhow magaalada Tiripoi halka 10 kamid ahna laga helay xeebaha Sabarth.

Inta badan muhaajiriinta ayaa waxaa ay ku safrayeen dalka waqooyga Africa dhaca libiya, waxaana ay damacsanaayeen in ay usafraan Yurub.

Sida laga soo xigtay hey’adda Muhaajiriinta Caalamka ee International Organization for Migration, ku dhowaa 2,600 oo muhaajiriin ah ayaa ku maashoobay  bada Mediterranean, iyagoo kasoo baxay xeebaha dalka Libiya.

Dadkaan kasoo cararay dalalkooda faqri dartii, ayaa waxaa ay yurub usi maraan dalka libiya, waxaana ciidamada talyaaniga ay dhawan sheegeen in ay soo samatabixiyeen 4,500 oo Muhaajiriin ah 19 bishii September halka ay sidoo kalena ay sheegeen in isla bishii September 28 ay xaqiijiyeen in ay geeriyoodeen 1.151 Muhaajiriin ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor