Muhaajiriin Somali lagu qabtay Ukraine, iyo kuwa laga badbaadiyey Xeebaha Libya.

Saraakiisha dalka Ukraine, waxay sheegeen inay qabteen 19 Muhaajiriin u kala dhalatay dalalka Somali, Pakistan iyo Afganistan, kuwaasi oo doonayey inay si sharci-darro ah uga gudbaan xuduuka Ukraine la wadaagaan dalka Slovakia.

Wargeyska Ukraine Today ayaa qoray inay Saraakiisha Canshuuraha ku qabteen Muhaajiriintaasi Galbeedka dalkaasi, iyadoo dhamaan Muhaajiriintaasi loo gudbiyey Xarun lagu hayo dadka oo ku taalla Degmadda Chop ee Xuduudka Ukraine.

Tahriibayaasha ayaa muteysan kara Ganaax Lacageed iyo in la soo masaafuriyo, iyadoo shaqsiyaadka dadkaasi soo tahriibiyey muteysan karaan Xabsi min 7 sanno ah.

Dhinaca kale, Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga waxay soo badbaadiyeen 1,569 Tahriibayaal ay Somali ku jireen, kuwaasi oo 11-dooni kaga soo shiraacday Xeebaha Libya.

Dadkaasi ayaa la wada badbaadiyey, kadib, markii loo gurmaday iyagoo ku dhibaataysan Gacanka Sishiliya (The Strait of Sicily) oo u dhexeeya Jesiiradda Sishiliya iyo Xeebaha dalka Tunisia.

Dadka la soo badbaadiyey waxaa ku jiray 125 haween iyo 5 carruur, sida lagu sheegay Hadal-qoraal oo ka soo baxay Ciiddanka Ilaalada Xeebaha ee Talyaaniga.

Hawlgalkaasi waxaa kaloo ka qeyb galay Maraakiib ay leeyihiin Ciiddanka Jarmalka oo u gurmay dadka mowjadaha doonyaha kaga soo ambabaxayo Xeebaha Libya si ay u soo gaaraan Talyaaniga.

TO GO WITH AFP STORY: "SLOVAKIA-SCHENGEN-EU-UKRAINE" A aerial view taken from a Slovak military helicopter with Interior Minister Robert Kalinak on board flying over the Slovak-Ukrainian border near the border crossing point of Vysne Nemecke 19 January 2006, to inspect the preparation for the new Schengen border planed for 2008. AFP PHOTO /JOE KLAMAR / AFP / JOE KLAMAR

ukraine police

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor