Muhaajiriin ku geeriyootay Dab ka kacay Guryo ay deganaayeen

3 Rag Muhaajiriin oo u dhashay dalka Nigeria ayaa geeriyootay, 13 kalena si xun ayey u dhaawacmeen, Isku-day ay kaga baxsan lahaayeen Dabkaasi oo saakayto ka kacay Dhismaha Guryaha Dadweynha oo ay dad Muhaajiriin ah deganaayeen oo ku yaalla Degmadda Falamants ee magaalladda Marseyle.

Ilo dhanka Garsoorka ayaa sheegay in Gabar yar oo 2 jir ah iyo Nin Oday ka mid yihiin dadka sida xun ugu dhaawacmay Dabkaasi.

Taliyaha Boliska magaalladda Marseyle, Frederiik Kamileri oo la hadashay Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay inuu dabku ka dhashay Marinada Farsamada ee dhex mara Dhismahaasi oo qadiimi ah.

Waxay kaloo xustay in Dhismaha uu dabku ka kacay xuddun u ahayd Ganacsiga Daroogada, iyadoo ay xiisadi ka dhex aloosan tahay Dadka Deegaanka iyo Kooxaha Daroogada Tahriibiya.

Ku-xigeenka Duqa magaallada Marseyle, Saamiya Qaali waxay tilmaamtay in Dhismaha Dadweynaha yihiin kuwo aan la isku halayn Karin oo khatar ugu jira inay soo dumaan.

Dhinaca kale, Maamulka Magaalladdaasi waxay sheegeen inay ka shaqeynayaan sidii Muhaajiriinta badbaaday loo dejin lahaa Hoy kale.

Milkiilaha Dhismaha uu dabku ka kacay waxa uu sheegay inuu Dhismahaasi ku jira Liiska dhismyaasha la burburin lahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor