Muhaajiriin ay soomaali ku jirto oo Dhibaatadii socdaalkooda ee Yurub, ku qoray Wargeyska dalka Denmark

Qaxootiga dalka Denmarka ayaa shalay oo jimco aheed waxaa lagu casuumay in fikradahooda ku saabsan dhibaatada socdaalka ee Yurub, ku qoraan Wargeyeska Danish Daily Newspape, ee dalka Denmark.

Ilaa 12 ruux oo Qaxooti ah oo sidoo kalena ah Xirfadlayaal Saxaafadeed oo asalkooda ka kala tagay wadamada Somaliya iyo dalal kale, oo sanado jooga dalkaasi, kuna noolaa, ayaa wax badan oo ku saabsan safarkoodii dhibka badnaa ee ay Yurub, kaga sheekeeyay Qoraalkoodii dheeraa  wargeyskaasi.

Tifafriraha wargeyska ay Qaxootiga aragtidooda ku qoreen oo lagu Magaacbo, Christian Jensen, ayaa sheegay in Qaxootigaasi ay noqdeen kuwo ku dheereeye Doodaha dhinaca Siyaasadda.

Dowlada midig-dhexe ee dalka Denmark ayaa balanqaaday in ay qaabilayaan Qaxooti badan.

Suxufiyiinta Maqaalkooda qoray ayaa waxaa ku jiray wariye udhashay dalka Ciraaq, oo diirada saaray dhibaatada haysata haweenka, kuwaasoo ragoodii ka haajiray.

Mr Jensen, oo maqaalka wax ku lahaa ayaa yiri” waxaa ka hadalnay Qaxooti. Ajaanibta ee dalkaasi, waxaa la ogaanayay safarkoodii khatarta badnaa.

Soomaalidii ka qeyb-galay Maqaalada ku aadan fikradahooda ku saabsan dhibaatada socdaalka ee Yurub, ayaa sheegay in xitaa ay dhacday in soomaalida qaarkood in ay dabaal ku galaan wadamada qaar ee  Yurub , taasina ay muujineyso sida ay u doonayaan in ay nolo wanaagsan u helaan.

Sidoo kale waxaa ay ka hadleen, sida ay warbaahinta caalamka ay ugu hadasho dumar Uurleh oo soomaaliyeed oo ku dhex umula maraakiibta Samafalka ee badbaadinta usameeya marka ay doomohuuda ay ku dhow yihiin in ay biyaha ku maashoobaan.

Waxaa sidoo ay soo hadal qaadeen, marka ay diibaatadaasi usoo maraay wadamada Yurub, in ay mararka qaar ay dhaco in wadamada ay gaaraan aan lagu soo dhaweyn.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor