Muhaajiriin ay Somali ku jiraan oo laga sii daayey Xabsi ku yaalla Israel

In ka badan 200 oo Muhaarijiin ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Eritrea iyo Sudan ayaa shalay laga sii daayey Xabsi ku yaalla magaalladda Saxaronim ee Koonfurta Israel.

Maxkamadda Sare ee dalkaasi  ayaa shalay amartay in la sii daayo Qaxootigaasi.oo si sharci-darro ah ku joogay Israel.

Wargeyska Haaretz ee Israel ayaa qoray inay Maxkamadda Sare ku amartay Dowladda Israel in la hakiyo qorshihii Qaxootigaasi loogu masaafurin lahaa muddo 2 isbuuc ah.

Dhinaca kale, Afhayeenadda Hay’adda Socdaalka ee Israel oo la hadashay Wakaalladda Wararka ee AFP ayaa xaqiijisay in 207  Qaxooti Afrikaan ah la sii daayey, kuwaasi oo loo gudbiyey Xarun Furan oo Qaxootiga lagu hayo.

Ku-dhawaad 43-kun oo Qaxooti Afrikaan ah ayaa ku sugan gudaha Israel, kuwaasi oo loo diiday in loo aqoonsado Qaxooti Magabgelyo-doon ah.

https://www.israelnationalnews.com/News/News.aspx/244469

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media