Mudanayaasha Britain oo ka arrinsanaya in Musharaxa Maraykanka ee Donald Trump. laga mamnuuco Britain.

Mudanayaasha Barlamaanka Britain ayaa ku ballansan inay bishan January  18-da Kulan Khaas ah ka yeeshaan Go’aan horseedi kara in Musharaxa Madaxtinimadda Maraykanka, Donald Trump laga mamnuuco inuu soo galo Britain.

Ilaa 568,000 oo qof oo u dhashay dalka Britain ayaa saxiixay Bayaan ay ku codsanayaan inaan Musharaxa Donald Trump loo oggolaanin inuu soo booqdo Britain.

Musharaxaasi oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka ayaa  bishii December 7-dii ee sannadkii hore ku  baaqay in dadka Muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Maraykanka, wuxuuna hadalkaasi jeediyey dhowr maalin kadib, markii 14 qof lagu dilay Gobalka California.

Muslimiinta Caalamka ayaa ka carooday Baaqiisa, waxayna ku tilmaameen Cunsuri ka soo horjeeda Islaamka.

trump2

©Radio Dalsan        

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor