Mudanayaal ka tirsan Kongareeska Maraykanka oo dhisay Guddi u ololeysa Taageeradda Somalia

Mudanayaasha Keith Ellison iyo Tom Emmer oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa si wadajir ah u soo saaray Qoraal ay ku sheegeen inay Guddi ka dhex sameeyeen  Kongareeska Maraykanka oo u xil-saaran Taageeradda Somalia.

War Saxaafadeedkooda waxay kaloo ku sheegeen in Guddi Cusub ay  taageeri doonaan Dowlad-wanaagga Somalia, Nabadda, Deganaanshaha iyo in wax laga qabto Xaalladaha Aadminimo ee Somalia.

Keith Ellison iyo Tom Emmer oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka waxay qoraalkooda ku sheegeen inay Dowladda Federalka Somalia ka taageeri doonaan Dhismaha Dhaqaalaha iyo guulaha Ammaanka ee ay ku tallaabsadeen.

Waxay hoosta ka xariiqeen in Taageeraddan muhiim u tahay dadaalka ka socda Somalia iyo Ammaanka Qaranka Maraykanka.

Mar ay ka hadleen Hadafka ay u asaaseen Kooxdaasi waxay sheegeen inay tahay sidii  loo taageeri lahaa Nabadda iyo Deganaanshaha ka jirto dalka Somalia, iyadoo la hubinayo taageeradda micnaha leh ee ay Dowladda Maraykanka ka qaadanayso Dimuqraadiyadda, Dowlad-wanaagga iyo in lagu guuleysto La-dagaalanka Alshabaab, waa sida ay ku xuseen Qoraalkooda.

Labada Mudane oo laga soo doorto Gobalka Minnesota waxay sheegeen inay dan guud ka leeyihiin inay matalaan Soomaalida tiradda badan ee ku nool Degmooyinka laga so odoorto, iyadoo Gobalka Minnesota ku nool yihiin Tobanaan kun oo Muhaajiriin Soomaali ah.

Waxayna tilmaameen in Qaddiyadda Somali ka fogeyn Siyaasadda Dibedda ee Maraykanka, isla markaana uu qoddobkaasi yahay mid saameynayo  Siyaasadda Gudaha iyo Amniga Qaranka Maraykanka.

Waxay kaloo qoraalkooda ku muujiyeen inuu Guddigooda taageero ka geysan doonaan sidii Dagaalamayaasha Alshabaab looga guuleysan lahaa, isla markaana looga hortegi lahaa inaan dad u dagaalama Alshabaab laga qorin gudaha Maraykanka, waa sida  ay ku xueen Qoraalka ay Wadajirka u soo saareen.

Si kastaba ha ahaatee, Koox cusub ee ay Labada Mudane ee ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka ayaan la ogeyn qaabka ay Kongareeska u marsiin doonaan qorshahooda, maadaama aysan awood sharci u lahayn in qabtaan Kulamo looga dhegeysto Kongareeska.

Dhinaca kale, Wargeyska Star Tribune  ayaa qoray  in Guddigan cusub ee ay hor boodayaan Mudanayaasha Keith Ellison iyo Tom Emmer ay galangal yar ku dhex leeyihiin Kongareeska, isla markaana u  muuqdaan inaysan lahayn Websayt u gaar ah Guddigan.

Links 1 : https://ellison.house.gov/media-center/press-releases/reps-emmer-ellison-announce-the-congressional-somalia-caucus

Linka 2: http://www.startribune.com/from-two-political-worlds-emmer-ellison-join-together-to-create-somalia-caucus/309400671/

© Warqabadka Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor