Mudanayaal ka tirsan Kongareeska Maraykanka oo codsaday in Somalia la siiyo taageero dhaqaale.

16 Mudane oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka oo uu hoggaaminayo Mudanaha Muslimka ee Keith Ellison ayaa u diray 2 warqad Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda ee Kongareeska Maraykanka, Kay Granger  si loo ansixiyo Dhaqaale lagu taageero Hay’addaha Somalia, Hawlgalka AMISOM iyo dadka ay dhibaataddu ka soo gaareen Abaaraha iyo Enino.

Qoraalka ayaa lagu muujiyey in Dowladda Somalia loogu deeqo lacag dhan 87.7 million oo Dollar si loogu adeegsado Nidaaminta Sharciga, xoojinta Hay’addaha u xil-saaran Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Mudanayaasha Maraykanka waxay kaloo sheegeen in ku-dhawaad Hal million oo qof oo Somali ah la hardamayaan sidii ay ku heli lahaayeen cunto iyo biyo abaaraha jira darteeda.

Waxay ku baaqeen in la kordhiyo kharajka Hay’adda Kaalmooyinka Maraykanka ee USAID si ay u kordhiyaan Kaalmooyinka Samafalka ee ay gaarsiiyaan dadka Soomaaliyeed ee ay abarruhu saameeyeen.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo taageeradda loogu talagalay Hawlgalka ka dhanka ah Alshabaab, iyadoo ay bishan Ciiddamo Maraykan la shaqeeyeen ciiddanka dhulka in hawlgal lagu weeraro Hoggaamiyayaal Sarsare oo ka tirsan Alshabaab.

16-ka Mudane ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka waxay qoraalkooda kui sheegeen in Somalia ka soo kabanayo colaadihii, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed haatan u baahan yihiin Maalgelin xoogan iyo in loo abuuro Mashaariic Horumarineed.

Waxay kaloo ku baaqeen in Soomaalida ku nool Maraykanka laga qaado Xayiraadda dhinaca Xawaaladaha Lacagaha, si ay fursad ugu helaan inay Lacago u diraan Qoysaskooda ku nool gudaha Somalia

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor