Mucaaradka Uganda oo ka soo horjeestay in Dhallinyaradda loo tababaro La-dagaalanka Xarakadda Alshabaab

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Mucaaradka ee ka tirsan Barlamaanka Uganda ayaa si kulul u cambaareeyey Aragtidii uu Madaxweyne Museveni ku sheegay in loo baahan yahay in Dhallinyaradda la ciiddameeyo, si ay uga hortagaan Xarakadda Alshabaab oo dhowr jeer qaraxyo ka geystay dalka Uganda.

Xildhibaan Gerald Karuhanga oo ah Xildhibaan Madax-bannaan ayaa sheegay inuusan mucaaradsanayn in Dhallinyarradda la siiyo Tababarka Milliteri, balse uu ka cabsi qabo inuu Madaxweyne Museveni uga dan leeyahay Mashruucaasi si uu xukuunkiisa u sii waaro.

Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la helo dad badan oo Dowladda taageersan, balse aysan noqonin inuu Madaxweynuhu dadka ku kahsbo inay ciiddan noqdaan.

Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in 1,200 arday isugu jira lab iyo dheddig la siinayo tababar Milliteri, si ay uga hortagaan weeraradda Alshabaab, waxaana la filayaa inay Tababaradda bilowdaan bisha soo socota ee May.

Mucaaradka Kenya waxay kaloo si kulul u dhaliileen tallaabadda uu Madaxweyne Museveni xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha ugu magacaabay Taliyihii hore ee Ciiddamadda, Jeneral Aronda Nyakairima.

Maxkamadda Dastuurka ee Uganda weli go’aan kama gaarin magacaabistaasi.

Dhinaca kale, Madaxweyne Museveni oo talada dalkaasi si Jabhadayn ah kula wareegay sannadkii 1985-kii ayaa ku dooday in Tababarka Milliteri ee la siinayo Dhallinyarradda Uganda tahay sidi iay uga hortegi lahaayeen weeraradda Alshabaab