Mucaarad laga muujiyey Madaxweynaha Masar oo loo dhigay Roog dhererkiisu yahay 32,000 oo mitir oo isku wareeg ah.

Muuqaalo laga baahiyey Telefishinadda Maxaliga ee dalka Masar ayaa muujinaya iyadoo Kolonyadda Gaadiid uu la socday Madaxweynaha dalka Masar. C/fataax Alsiisi oo dul maray Roog cas (Red Carpet), xilli uu maalintii Sabtida ee la soo dhaafay Mashaariic ka furayey Degmadda 6-da Oktoobar oo ku taalla dhanka Koonfureed ee caasimadda dalkaasi ee Qaahira.

Dad badan ayaa Warbaahinta Bulshadda si kulul ugu naqdiyey Tallaabdadaasi, waxayna ku tilmaameen inuu Madaxweynaha ku takri-falayo Hantida Ummadda Masar.

Garyaqaan Jamaal Ciid waxa uu bartiisa Twitterka soo bandhigay Kharajka ay ku fadhiyaan Roogga cas ee loo dhigay inay gaadiidka Madaxweynaha dul maraan xilli kooban.

Garyaqaanka waxa uu Xisaab ahaan ku sheegay in roogga la goglay masaafo dhan 32,000 mitir oo isku wareeg lagu soo iibiyey kharaj dhan  1.6 million oo  Gini (£1.6m).

Dadka naqdiyey Tallaabadda Kharajka roogga loo dhigay Madaxweynaha Masar waxay sheegeen inay dadka Masaarida badankooda ku nool Nolol aad u hooseysa.

Warbixin ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Horumarinta Barnaamijka (UNDP) soo saartay sannadkii 2014-kii waxay sheegtay in ka badan 25% dadka Masaarida inay ku nool yihiin wax ka hooseeya Khadka Saboolnimadda (Below the Poverty Line).

Xigasho: Aljazeera

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan    

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor