MSF oo la filayo iney dib u bilawdo howlaheeda Soomaaliya

Hey’adda Dhaqaatiirta aan xuduudaha lahayn ee MSF ayaa la filayaa iney dib u bilawdo howlaheeda samafalka oo ay ka fulin jirtay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

29kii May ee sanadkan wafdi heer sare ah oo ka socday hey’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay dowlada Soomaaliya ugala hadlan arrimaha samafalka iyo suurtagalnimada MSF iney dib ugu soo laaban karto Soomaaliya.

Intii lagu jiray booqashada Wafdiga MSF waxa ay la kulmeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynayasha maamulka goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Puntland.

MSF weli ma aysan qaadan go’aan ay dib ugu soo laabaneyso Soomaaliya balse waxa la filaya inay sameyso la tashiyo ku saabsan dib u howlgalinta howlahii ay ka qaban jirtay Soomaaliya dhowrka bil ee soo socda.

Hey’adda MSF ayaa xirtay dhamaan xarumaheeda Soomaaliya bishii  August 2013kii kadib markii weeraro taxane ahaa lala beegsaday shaqaalaha hey’adda.

MSF ayaa si xiriir ah uga soo shaqeyneysay Soomaaliya tan iyo sanadkii 1991kii.