Mowqifka Maamulladda Puntland iyo Jubbland ee Shirka Madasha Wada-tashiga Qaranka

Madaxweynayaasha Maamulladda Puntland iyo Jubbaland ayaa waxay kulan socday labo maalmood ku yeesheen magaalladda Garowe ee Gobalka Nugaal, kaasi oo ay ku  sheegeen inay kaga tashanayeen Masiirka Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne C/weli Gaas iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa loo arkaa inay asaaseen Isbahaysi Maamul-gobaleedyo si mutuxan uga soo horjeeda Hanaqaadka Dowladnimadda iyo Hiigsiga cusub ee 2016-ka.

Labadaas  mas’uul oo isku bahaysanayo Nidaam Beeleed xilligiisa laga soo gudbay ayaa waxay si kulul u muujiyaan inaysan la dhacsanayn qaabka shaqada ee Dowladda Federalka oo la og yahay inay tahay Dowladda loo idmay Qaranka.

Waxayna taasi muujinaysaa inay labadaa Hoggaamiye ka go’an tahay inay  isbaaro-siyaasadeed u dhigtaan dadaalka Dowlada Federalka ugu jirto Himilladda Dib-u-curashadda Dowladnimo, kadib, labaatameeyo sanno oo lagu soo nolol-qaatay xaallado adag.

Dhismaha Maamul-gobaleedyadda iyo Agaasinka Shirarka Wada-tashiga ee Dowladda Dhexe iyo Maamul-gobaleedyadda ayaa waxay qeyb ka yihiin Saluug-siyaasadeedka  ee ay Labadaa ma’uul kaga caraysan yihiin Dowladda Dhexe.

Waana hubaal inay jiraan caqabado iyo xifaltano dahsoon oo ay Madaxda Dowlada iyo  Maamul-gobaleedyadda Puntland iyo Jubbaland ka dhexeeyo, waxaana la dhihi karaa Khilaafkaasi inuu xagal-daacinayo Hiigsiga dib-u-dhiska Qarankeenna.

Xaalladda haatan taagan ayaa ah inay Madaxweynayaasha Maamulladda Puntland iyo Jubbaland ka biyo diidsan yihiin inay ka soo qeyb galaan Shirka Madasha Wada Tashiga Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda hoos yimaada, kaasi oo lagu madalsan yahay inuu bishan July 29-da ka furmo magaalladda Muqdisho.

War-murtiyed ay Axmed Madoowe iyo C/weli Gaas ka soo saareen Garowe ayey ku sheegeen inay qaadacayaan Shirkaasi, oo muhiimad ballaaran u leh La-tashiga Madaxda Dowladda Dhexe iyo Maamuladda Goballadda,Aayaha Qaranka, Hirgelinta Hiigsiga 2016-ka.

Kulankii ka horeeyey Shirka soo socda  ee Wada Tashiga Qaranka waxa dhowr bilood ka hor lagu qabtay magaalladda Garowe, iyadoo uu Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynyaasha K/Galbeed, Puntland iyo Jubbaland ka soo qeyb galeen, kana wada hadleen Ajendayaal khuseeyey Danaha Qaranka

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in sababaha ay Labadaa Mas’uul u qaadacayaan  Kulanka Wada Tashiga inay uga dan leeyihiin inay ku muujiyaan gadoodka ay ka qabaan Dhismaha Maamul-gobaledka Galmudug iyo iyagoo aan jeclayn inay Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed la fariistaan Shirka Qaran ee dabayaaqada bishan  lagu qabanayo magaalladda Muqdisho.

Gorgortanka Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa kaloo lagu fasiri karaa inay Indhaha Beesha Caalamka ku soo jeestaan qaadacooda, si looga waraysto Saluugooda, kadibna  muranka lagu xaliyo xeer jajab hoose.

Khilaafka so olaba kacleeyey ee uu Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Jaallihiisa Axmed Madoobe ee ay kaga soo horjeedaan Siyaasadda Dowladda Federalka ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay Dowladda Dhexe dagaal sharci ah kula jirto Dowladda Kenya, si looga hortago boobka Badda Somalia iyo Derbiga ay Kenya ka dhisanayso  xuduudka baylahsan ee Somalia.

Gorgortanka Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa kaloo lagu fasiri karaa mid khatar ku ah Danaha Qaranka, waxaana la gudboon inay wax ka beddelaan Dabeecada Siyaasadda ee ay ka muuqdaan Sifaha Dowlad-diidka iyo Qaran-dumiska.

 

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor