Mooto Bajaajta iyo Niqaabka oo laga Mamnuucay Gobolka Sh/Dhexe

Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe Ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucay Xirishada Niqaabka iyo Mootada Nooca Bajaajta Ee ka shaqeysa Gobolkasi.

Maamulka ayaa sababta ku sheegay arin amni la xiriirta waxa ayna sheegen in Indha-Shareerka ay xiran karan ragga fuliya falalka amni darro Ee Gobolka ka dhaca.

Cabdikarem Macalin Aalos oo ah Agaasimaha Dhinaca Warfaafinta Ee Maamulka Shabellada Dhexe ayaa shaaciyay in laga bilaabo 25 bishan December aan Lagu arki karin Gobolka haweenka Indha-Shareerka ku sita Wadooyinka.

Arintan ayaa imaaneysa iyada oo aad loo adkeenayo Ammaanka Magaalada Jowhar halkas oo dhawaan lagu qaban doono Shirka Maaamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor