Mombasa oo lagu xiray gabdho Somali lala xiriirinayo Alshabaab

Boliska magaalladda Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegay inay xireen 6 qof oo Somali ah oo lagu tuhunsan yahay inay gacan-saar la leeyihiin Xarakadda Alshabaab.

Mid ka mid ah Baarayaasha Boliska ee gacanta ku haya Kiiskaasi ayaa u sheegay Wargeyska News24 ee ka soo baxa magaalladda Nairobi inay rumeysan yihiin in mid ka mid ah Eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Sahra Hussien ay doonaysay inay shan kale oo Somalia ka yimid ku tashkiiliso si ay ugu biiraan Xarakadda Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna intaasi ku daray inay weli socdaan baaritaankooda. iyadoo Eedeysanayaasha  lagu xiray  Xabsiga Dhexe ee Mombasa.

Dhinaca kale, Eedeysanayaasha ayaa la filayaa in bishan August 7-da la soo taago Maxkamadda Mombasa, si loo dhegeysto Qiraalka ay Boliska ka keenaan Eedeymahaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor