Milliteriga Puntland iyo Alshabaab oo weli ku dagaalamayo Togga Suuj ee Gobalka Nugaal.

Milliteriga Maamulka Puntland ayaa waxay maalintii Afaraad dagaal xooggan kula jiraan Dagaalyahanno Alshabaab oo ku sugan Togga Suuj ee Gobalka Nugaal, waxaana uu iska horimaadku yahay mid weli la isku mari la’ yahay.

Saraakiisha Puntland waxay kaloo sheegeen inay ku sii siqayaan hulalka Togga Suuj, inkastoo ay weli Alshabaab wadaan Iska caabin xooggan.

Dhinaca kale, Saraakiisha Puntland waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 4 maxbuus oo Alshabaab ah, kuwaasi oo la sheegay in lagu qabtay meel 10-Km u jirta Togga Suuj.

Alshabaab weli kama hadlin arrintaasi, mana jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinayo arrintaasi.

Wararka kale ee ka imaanayo Deegaan Xeebeedka Gara-cad ee Gobalka Mudug waxay sheegayaan inay ciiddanka Puntland la wareegeen Deegaankaasi, kadib, markii ay u itaal sheegteen Alshabaabkii ku sugnaa Deegaankaasi ee ka soo degay xeebta.

Wasiirka Amniga ee Puntland, Cabdi Xersi Cali “Qarjab”  iyo Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Maamulka Puntland, Cumar C/llaahi Fara-weyne ayaa ku sugan Gara-cad, waxaana la soo weriyey inay ciiddanka Puntland gacanta ku dhigeen dhowr nin oo ka tirsan Alshabaabka ka dagaalamay Deegaankaasi.

TOGGA SUUJ 11 TOGGA SUUJ 1 TOGGA SUUJ 6 TOGGA SUUJ 7 TOGGA SUUJ TOGGA SUUJ9 TOGGA TUUJ 11

©Radio Dalsan