Milliteriga Kenya oo soo badbaadiyey Labo Kenyaati ah oo ay Alshabaab ka soo qafaasheen Mandheera

Saraakiil u hadashay Milliteriga Kenya ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen Labo Macallin oo Kenyaati ah oo ay Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ay ka soo qafaasheen W/bari ee dalkaasi.

Madaxa Ammaanka ee Mandheera, Alex Nkoyo ayaa sheegay in la so obadbaadiyey Macallimiintaasi oo lagu kala magacaabo Aadan Maleel Kulac iyo Aadan Xasan Afey, kuwaasi oo  Jimcihii la soo dhaafay  laga soo qafaashay Deegaanka Arabia ee duleedka Mandheera.

Waxa uu tilmaamay inay Labadaasi nin kala ahaayeen Macallin wax ka dhiga Madraso iyo Nin xubin ka ah Guddiga Samafalka ee Deegaanka.

Dhinaca kale, kooxihii qafaashay raggaasi ayaa la sheegay inay u soo gudbeen xuduudka Somalia, iyagoo sii maray Waddada Sheekh Barow ee isku xirta Mandhera iyo xuduudka Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor