Milliteriga Kenya oo sheegtay inay dileen Dagaalamayaal Ka Tirsan Alshabaab

Afhayeenka Ciiddnka Kenya, Kolonel David Obonyo oo la hadlay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency (AA) ayaa sheegay inay dileen 7 dagaalyahnno oo ka tirsan Alshabaab, kuwaasi oo uu tilmaamay inay jidka u galeen Kolonyo gaadiid ay Ciiddanka Kenya wateen.

Waxa uu qiray inuu weerarka Alshabaab ahaa mid lal yaabay, balse ay Ciiddanka Kenya ka hortageen, laguna dilay 7 dagaalyahan.

Afhayeenka waxa uu sheegtay in labo Askari looga dhaawacay iska horimaadkaasi, inkastoo ay warar madaxa bannaan sheegayaan inay  Askar Kenyaati ku geeriyootay gaari ay Alshabaab ka gubeen Ciiddanka Kenya.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddnka Kenya, Kolonel David Obonyo waxa uu xusay inay Alshabaab ka furteen qoryo AK 47, oo uusan cadadkooda sheegin.

Iska horimaadkan ayaa yimid, kadib, markii ay Dagaalyahannadda Alshabaab calankooda ka taageen Tuulo hoos tagta Degmadda Garissa ee W/bari Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor