Milliteriga Kenya oo isaga huleelay Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan  inay Ciiddanka Kenya isaga baxeen Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo oo ay ku sugnaayeen muddo hal isbuuc ah.

Ciiddanka ayaa la sheegay inay saqdii dhexe ee xalay ka huleeleen labo fariisin oo ay ku lahaayeen gudaha iyo daafaha Ceel-cadde, mana cadda sababaha rasmiga ee ay uga baxeen Degaankaasi.

Ilo-wadareedka ayaa sheegay in Ciiddanka oo ku hubeysnaa Labaatameeyo Gaadiidka Dagaalka ay horey u sii jiiteen haraagga gaadiidkii ay Alshabaab ku gubeen Xeradda Ceel-cadde.

Ciiddankaasi oo xalay Saqdii dhexe ambabaxay ayaa ahaa kuwii soo gaaray Xeraddaasi, kadib, markii ay Alshabaab bishan 15-dii weerar culus ku qaadeen Xeradaasi oo ay la wareegeen, iyagoo dilay Askar badan oo Kenyan ah.

Ciiddanka Kenyanka ee xalay ka baxay Ceel-cadde ayaa la tilmaamay inay la kulmeen culays dhinaca Nolosha, kadib, markii ay waayeen Biyo Nadiif oo ay isticmaalaan, kana cabsadeen inay Alshabaab sumeeyeen Ceelasha Furan ee ku yaalla Ceel-cadde.

Dhinaca kale, Dadkii ka barakacay Deegaanka Ceel-cadde ayaa la sheegay inay ku farxeen Tallaabadaasi, waxayna dadku bilaabeen inay soo kormeeraan  guryaha ay ku leeyihiin Ceel-cadde, inkastoo ay weli jirto cabsi dhinaca Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo maalmahan duqeymo culus ka geystay Deegaanka Ceel-cadde iyo qeybo ka mid ah Goballadda Gedo iyo Baay.

©Radio Dalsan          

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor