Milliteriga dalka Mayanmaar oo miinooyin u adeegsanaya qulqulka Muslimiinta ROHINGYA

Ilo ka tirsan Dowladda Bangaladesh ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERS inay Milliteriga dalka Mayanmaar miinooyin dhigeen Xuduudka labada dal, si aysan dib u soo laabanin Qaxootiga ROHINGYA ee u soo qaxay  dalka Bangaladesh.

Xogahaasi ayaa sheegay inay Bangaladesh hayaan caddaymo Sawiro ah oo ku aadan inay Milliteriga Myanmar 3-dii maalmood ee la soo dhaafay miinooyin dhigayeen Xuduudka.

Mansuurul Xasan Khaan oo ah Sarkaal ka tirsan Ilaaladda Xuduudka ayaa u sheegay REUTERS inay shalay maqleen 2 qarax oo ka dhacay dhinaca Xuduudka Myanmar la wadaago Bangaladesh.

Dhinaca kale, Dowladda Bangaladesh waxay sheegtay inay Dowladda Myanmamaanta u gudbin doonaan cabasho rasmi ah oo ku aadan khatarta ka dhalan karta Miinooyinka lagu aasayo Xuduudka.

Ku-dhawaad 125,000 OO Qaxootiga ROHINGYA oo badankooda ahaa Haween iyo Carruur ayaa u soo gudbay Xuduudka Bangaladesh 11-kii maalmood ee la soo dhaafay

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media