Milkiilihii Hotel Saxafi iyo Jen. Dhega-badan oo ku geeriyooday weerarkii saakayto.

Warar naga soo gaaray Hotelka Saxafi ee magaalladda Muqdisho, waxay sheegayaan inay weli Dagaalamayaal Alshabaab ku sugan yihiin gudaha Hotelkaasi.

Ciiddanka Khaaska ee Gaashaan, kuwa Milliteriga iyo Nabadsugidda ayaa isku hareereeyey Hotelka, waxaana la maqlayaa rasaas xooggan oo ka dhacaysa gudaha Hotelka.

Dhinaca kale, Warar lagu kalsoonaan karo oo aynu ka helnay Hotel Saxafi ayaa waxay sheegayaan inay weerarkii Alshabaab soo qaadeen ay ku geeriyoodeen Tobaneeyo qof oo ay ka mid ahaayeen Milkiilihii Hotelka, C/rashiid Il-qeyte,Abaanduulihii hore ee Ciiddanka XDS, Jeneral  C/kariim Yuusuf Dhega-badan, Sawir-qaade Mustaf Safaana iyo qaar ka mid ah Ilaaladda Ammaanka ee Hotelka.

xasan abshir

dhega badan

Warar kale ayaa waxay sheegayaan inay Labaatameeyo qof ku dhaawacmeen qaraxyadda iyo is-rasaasaynta Hotelka Saxafi, waxaana ka mid ah Safiirka Somalia u jooga Ethiopia, Axmed C/salaam Xaaji, Jeneral Cali Caraay Gacma-duulle, Sawir-qaade ka tirsan Wakaalladda Wararka REUTERS oo lagu magacaabo Faysal Cumar Xaashi.

© Dalsan News

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor