Milkiilaha Facebook oo la Kulmay Soomaalida ku nool Magaalada Minneapolis

Milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg ayaa xalay casho afur ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kula yeeshay qaar ka mid ah Soomaalida halkaas ku nool, sida uu ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Zuckerberg, ayaa u mahad-celiyey Soomaalidii afurka ku casuumtay, wuxuuna sheegay inuu aad ula dhacay kartida iyo dhiiranaanta ay ku doonayaan in meel aysan aqoon ay dalkooda cusub uga dhigtaan.

Waxa uu sheegay in qofka qaxootiga ah uusan lahayn ikhtiyaar uu ku doorto dalka uu ku noolaanayo.

Waxa uu sheegau inuu nin ka mid ah Soomaalida oo 26 sano ku nool xero qaxooti weydiiyey, in hadda uu dareemayo in Mareykanka uu yahay dalkiisa iyo in kale, kadibna uu ugu jawaabay “Dalkaaga waa kan aad ku dareento xorriyad aad ku sameyn karto wixii aad doonto. Haa, kani waxaan u dareemayaa dalkeyga”.

Mark Zuckerberg ayaa sheegay in hadallada noocaas oo kale ah ay yihiin kuwo sharaf u ah Mareykanka oo ah dal qiimeeyaa xorriyadda qofka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media