Militeriga mareykanka oo xaqiijiyay duqeyn ay ku dileen labo sarkaal oo ka tirsan Al Shabab

Ciidanka militeriga Mareykanka ee Qaaradda Africa, ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen soomaaliya ay ku dileen labo sarkaal oo a tirsan Xarakadda Al Shabab.

27 bishii May, ayeey sheegeen in ay diyaarado ay duqeynta ka fuliyeen bartamaha koonfurta soomaaliya, halkaasoo lagu beegsaday Abdullahi Haji Da’ud oo ahaa, taliyaha militeriga Al Shabab, isagoona sidoo kale ahaaa qeybta fulisa weeraradda, sida ay sheegeen howgalka Mareykanka ee Qaaradda Africa ee AFRICOM.

Sidoo kale duqeyn kale oo isla howgalka Mareykanka ee Qaaradda Africa ee AFRICOM, ay ka fuliyeen 31 bishii may, ciidamada dowlada soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah, weeraro ka fuliyeen meel ku dhow buulo Gaduud, ayna ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab oo la oran jiray Mohamed Dulyadeen.

“ Waan xaqiijineynaa, dilalka, waxaa ay ahaayeen saraakiil, “ ayaa lagu yiri warka kasoo baxay howgalka Mareykanka ee Qaaradda Africa ee AFRICOM.

Tira yar oo ka tirsan ciidamada dowlada mareykanka ayaa jooga soomaaliya, kuwaasoo talooyin xaga ciidamda siiya xoogaga dowlada soomaaliya iyo Midowga Africa ee Amisom.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor