Milateriga Nayjeeriya oo ka hortegay weerar kaga yimid Kooxda Boko Xaraam

Weerarrada ayaa ka dhacay meel u dhow xudduudda dalka Niger.

Mintidiintan la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Boko Xaraam ayaa bartilmaameedsaday saldhig milateri oo ku yaalla magaalada Kanamma ee gobolka Yobe.

Dad tuulo-joog ayaa iyagana la bartilmaameedsaday sida ay wararku sheegayaan.

Laakinse taliyaha milateriga Nayjeeriya ee dagaalka kula jira kacdoonka Boko Xaraam ee gobolka, Sarreeye gaas Nicholas Rogers, ayaa BBC u sheegay in qolyihii weerarka soo qaaday la waabiyey.

Wuxuu sheegay in aysan weli qiimayn khasaaraha, ka dib dagaal dhowr saacadood ka socday meel lama degaan ah.

Waxaa kaloo jiray weerarro ay qaadeen rag loo malaynayo inay kooxaha kacdoonka wada ka tirsan yihiin, oo ay ku qaadeen tuulada Maiwa oo u dhow magaalada Maiduguri ee gobolka jaarka la ah Borno.

Ugu yaraan afar qof ayaa halkaa ku dhintay Sabtidii.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media