Milateriga Burkina Faso oo ku dhawaaqay inay xilka ka tuureen Hoggaamiyihii dalkaas

Sarkaal ka tirsan militeriga Burkina Faso ayaa teleefishinka dowladda kaga dhawaaqay in xilka laga tuuray hoggaamiyihii militeriga dalkaas Lt Col Paul-Henri Damiba.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Ibrahim Traore ayaa sheegay in hoggaamiyaha militeriga uu ku guuldareystay inuu wax ka qabto dhibaatooyinka ay geysanayaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka howlgala dalkaasi sidaas darteedna ay xilka ka tuureen.

Wuxuu shaaciyay in la xiray xuduudda iyo in la hakiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada xisbiyada siyaasadda.

Janaraal Lt Col Damiba ayaa bishii January afgembiyay dowladdii rayidka aheyd ee lasoo doortay isagoo xilliggaas ku anddacoonayay in lagu guuldareystay ka hortagga kooxaha islaamiyiinta ah.

Balse hoggaamiyahan militeriga ah ee haatan la afgembiyay ayaa awoodi waayay inuu wax ka qabto colaadda.Isniintii, waxaa weerar lagu dilay 11 askari oo saarnaa kolonyo baabuur ah oo marayay waqooyiga Burkina Faso.

Jimicihiina , Lt Col Damiba wuxuu shacabka ugu baaqay inay is-dejiyaan kadib markii rasaas laga maqlay qeybo kamid ah caasimadda Burkina Faso. In ka badan 20 kamid ah militeriga-oo wajigooda soo dabbooshay ayaa saacado uun kadib kasoo muuqday teleefishinka qaranka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor