Milatariga Suudaan oo wada qorshe ku aadan Ra’iisul Wasaarihii la Afgembiyay

Milatariga Suudaan ayaa qorsheynaya in ay dib u soo celiyaan ra’iisul wasaarihii xukunka laga tuuray Abdalla Hamdok ,isla markaana la sii daayo hogaamiyayaasha rayidka ah ee la xiray ka dib afgambigii militariga ee bishii hore.

Tallaabadaasi ayaa timid ka dib markii Heshiis siyaasadeed ay dhexmareeen General Burhaan, Abdalla Hamdok, xoogaga siyaasadda iyo ururada bulshada rayidka ah,sida uu ku waramay Madaxa xisbiga Umma Fadlallah Burma Nasir .

Heshiiska ayaa dhigay in Hamdok r/wasaaraha la soo celiyay uu soo dhisi doonaa gole wasiiro oo madax banaan,waxaana dhammaan la sii deyn doonaa maxaabiista siyaasadda .

Heshiiska ayaa imanaya toddobaadyo ka dib markii  General Abdel Fattah al-Burhan uu meesha ka saaray xukunkii rayidka ee ku yimid sida dimoqraadiga ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor