Miisaankii Siyaasadeed ee Ahlu-suna Wal-jameeca  ee Barlamaanka soo socota oo la wiiqay.

Aqlabiyadda ay Siyaasiyiinta Dariiqadda Ahlu-suna Wal-jameeca ku leeyihiin Saaxadda Siyaasadda ee Somalia ayaa waxa laga dareemi karaa in lagu wiiqayo, kadib, Doorashaddii Aqalka Sare ee Maamul-gobaleedka Galmudug.

Xildhibaan C/samad Macallim iyo  Xildhibaan Khallif Macallin Nuur  oo Mansabka ay hayaan ku heleen Saamigii Ahlu-sunna Wal-jameeca ka heleen Awood-qeybsiga Dowladdii KMG ayaa waxay guul-darro kala kulmeen Tartankii Musharixiinta Galmudug ee Kuraasta Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka oo shalay iyo maanta lagu qabtay Hoolka Shirarka ee magaalladda Cadaado.

Labadaa Xildhibaan oo miisaan ku lahaa Xubnaha Siyaasadda ka soo galay Ahlu-suna Wal-jameeca waxaa xubnaha Aqalka Sare kaga guuleystay Zamzam Daahir Maxamuud iyo Jawaahir Axmed Cilmi.

Haddii aan eegno Xildhibaan C/samad Macallim Maxamuud waxaa dhalay  Hoggaamiyihii Ruuxiga ee Ahlu-sunadda Goballadda Dhexe, Maxamuud Sheekh Faarax.

Sidoo kale, Khaliif C/qaadir Macallim Nuur waxaa dhalay Allaha U Naxariistee Macallim Nuur Maxamed Siyaad oo ka mid ahaa Mashaa’iqda ugu waa weyn ee Culumaa’udiinka Soomaaliya.

Xildhibaan C/samad Macallim waxa uu Xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha ka soo noqday Xukuumadii ugu dambeysay ee Dowladdii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Khaliif C/qaadir Macallim Nuur waxa uu isagana Xilka Wasiir-dowlaha Madaxtooyadda ee Dowladdii MG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Guul-darradda ay Labadaasi Xubnood kala kulmeen Tartanka Aqalka Sare ayaa laga yaabaa inay meesha ka saarto Miisaanka Siyaasadeed ee Ahlu-sunna ee Dowladda soo socota.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Siyaasiyiinta Ala Sheekh iyo Dam Jadiid dardar ka muujinayaan Doorashadda Xubnaha Aqalka Sare, iyadoo Xubnaha Galmudug ee ku guuleystay Kuraasta Aqalka Sare yihiin Siyaasiyiin kala taageersan Labada Isbahaysi ee lagu kala naanayso Ala -Sheekh iyo Dam Jadiid.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor