Midowga Yurub Oo Dowlada Soomaaliya Ka Taageereysa Hormarinta Amniga

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan itoobiya ayaa ku guda jira kulamada gaar gaarka ah ee uu la qaadanayo Madaxda Afrika iyo wakiilada Ururada Caalamiga ah ee kasoo qeyb galay Shirka Madaxda Midowga Afrika.

MD Farmaajo ayaa uga warbixiyey madaxda xaaladda guud ee dalka,waxa uuna u mahadceliyey Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan ka taageerida dhinacyada ammaanka iyo gargaarka bini-aadantinimada.

Dhanka kale MD Farmaajo Farmaajo waxa uu kala hadlay Midowga Yurub kordhinta dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, taas oo madaxdii ka socotay Midowga Yurub ee uu la kulmay Madaxweynuhu ay bogaadiyeen dib-habeenta dhismaha amniga Qaranka ee ay waddo Dowladda oo hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Midowga Yurub ee Madaxweyne Farmaajo kulanka la qaatay, waxaa hoggaaminayey Madaxa Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga ah Mudane Stefano Manservisi iyo Madaxa Maamulka Waaxda Adeegyada Dibadda ee Midowga Yurub Mudane Koen Vervaeke.

Waxa ayna sidoo kale bogaadiyeen socdaalkii nabadda ee uu madaxweyne Farmaajo ku maray degaanada maamulada Puntland iyo Galmudug.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media