Midowga Yurub oo dib u bilaabaya laba NGO caan ah oo laga leeyahay Falastiin

Midowga Yurub ayaa u sheegay laba NGO caan ah oo laga leeyahay falastiin in ay dib ugu bilaabi doonaan maalgelintooda ka dib hakad sanad ah oo la xiriiray eedeyno aan sal lahayn oo ay soo jeedisay Israel.

Guddiga Yurub laanta fulinta ee Midowga Yurub ayaa dhowr maalmood ka hor waraaqo u diray NGO yada Al-Haq iyo Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Falastiin (PCHR), iyaga oo ku wargeliyay in la qaaday shuruud la’aan xayiraad saarneyd 13 bilood.

Guddiga waxa uu soo xigtay natiijooyinka dib u eegis uu sameeyay Xafiiska Midowga Yurub ee Ka-hortagga Khiyaanada (OLAF),waxaana la sheegay in aan la helin sabab ku filan oo lagu furo baaritaanka ku saabsan in hey’adahaasi y la shaqeeyaan argagixisada.

Muddo tobanaan sano ah, Al-Haq waxa ay ka shaqaynaysay ilaalinta xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah xadgudubyada sharciga caalamiga ah ee ay geystaan ​​Israa’iil iyo dembiilayaasha kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor