Midowga Yurub iyo Afrika oo heshiis ku gaaray Malta

Hogaamiyayaasha Midowga Yurub iyo Afrika ee ku shirsanaa Malta ayaa waxa ay saxiixeen heshiis loogu talagalay sidii lagu joojin lahaa qulqulka muhaajiriinta safarrada khatarta ah u gala ilaa waqooyiga Yurub.

Dadaal lagu doonayo in wax looga qabto sababaha asalka u ah socdaalka sharci darrada ah, ayaa madaxda Midowga Yurub waxa ay meel mariyeen sanduuq dhaqaale oo gaaraya 1.9 bilyan oo doolar oo Afrika la siinayo.

Xilli dambe oo maanta ahna, hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa waxa yeelan doonaan shir aan rasmi aheyn oo ay ku eegi doonaan xaaladda socdaalka ee guud ahaan Yurub, oo ay ka mid tahay wadammada Balkans-ka.

Midowga Yurub ayaa qiyaasaya in wixii loo gaaro 2017-ka ay ilaa iyo saddex milyan oo qof oo kale ay suuragal tahay in Yurub ay galaan iyagoo magangalyo ama shaqo doon ah.

Xigasho: BBC Somali

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor