Midowga Europe oo Somaliland u tababaray Saraakiil Ciiddan

Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Badda ee Midowga Europe waxay tababar dhowr maalmood ah siiyeen Saraakiil da’ yar oo ka tirsan Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee Somaliland.

Tababarkaasi ayaa waxaa lagu qabtay meel ka baxsan Xeebta magaalladda Berbera ee kaabiga ku haysa Badda Cas.

Saraakiisha tababarka dhamaysatay ayaa lagu casuumay inay booqdaan Markab dagaal oo ay EU-da leeyihiin, kaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Baddaha Somalia.

Hadal ka soo baxay Hawlgalka Ciiddanka Badda ee EU-da ayaa lagu sheegay in Saraakiisha Somaliland la siiyey tababaro ku aadan Hawlaha Ilaaladda Badda, Cabirka Maraakiibta, Aqoonsiga dalalka laga leeyahay iyo sida gurmadka loogu fidin karo Maraakiibta.

Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Badda ee dalka Netherlands, oo lagu magacaabo Jeron Meyjaboom ayaa ka hadlay munaasabadda lagu tababarayey Saraakiisha Somaliland, wuxuuna xusay inay aad ugu faraxsan yihiin inay Aqoontooda la wadaagaan Saraakiishaasi.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor