Midowga Europe oo sheegay inay taageerayaan Dib-u-habaynta Ciiddanka Ammaanka ee Somalia

U-qeybsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo Ammaanka ee Ururka EU-da, ahna Ku-xigeenka Guddoomiyaha Ururka Midowga Europe Federica Mogherini ayaa hadalkaasi ka sheegtay mar ay Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda  Federalka Somalia, Xasan Cali Kheyre shalay kula kulantay Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

Labada Mas’uul waxay si gaar ah uga wada xaajoodeen Xalladda Somalia, Siyaasadda hataan tagaan,  Dhaqaalaha iyo Dib-u-habaynta Xukuumadda Federalka ee ay ka qaaday  Ammaanka Somalia.

Federica Mogherini waxay hoosta ka xariiqday in Ururka EU-da ka go’an tahay inay Taageero Buuxda  ka geystaan Isbedelka lagu samaynayo Ammaanka Somalia.

Waxay k xiriirka ka dhexeeya Xaqiijinta Qorshaha xilliga Kala-guurka ee Ammaanka Somalia iyo  Xaqiijinta dib-u-habaynta Tubta Siyaasadeed ee Doorashooyinka dhici doona sannadka 2020-ka.

Hadal-qoraal oo laga so osaaray Xafiiska Wakiilka Sare ee EU-da, Federica Mogherini ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin Xaalladda Adag ss Aomalia, xiriirka ka dhexeeya Xaqiijinta Qorshaha xilliga Kala-guurka ee Ammaanka Somalia iyo  Xaqiijinta dib-u-habaynta Tubta Siyaasadeed ee Doorashooyinka dhici doona sannadka 2020-ka.

Kulanka Ra’isul-wasaare Kheyre iyo Federica Mogherini ayaa ku soo beegmay, iyadoo uu Shirweynaha Heerka Sare ee looga hadlayo Ammaanka Somalia uu maalintii 2-aad ka socdo magaalladda Brussels ee dalka Belgium, waxaana Kulankaasi ka qeyb galay Ergo ka kala socota DFS, Maamul-gobaleedyadda, QM, EU-da, AU-da iyo Dalalka ay Ciiddanka ka joogaan Somalia iyo Dowladaha taageeradad siiya DFS.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media