Midowga Europe oo Qalabka lagu kaydiyo Daawada soo gaarsiiyey dadka ku dhaawacmay Qarixii Zoope

Kadib, Qarixii dadka badan ku geeriyoodeen, waxay Ciiddanka Badda ee Midowga Europ ee (EU Naval Force), waxay Xafiiska QM ee Somalia soo gaarsiiyeen QALAB Cafaimaaf oo loogu talagalay in lagu taageero dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay Qarixii Zoope.

Diyaarad Helikopter ah oo ka soo kacday Markabka Dagaalka ee Spain ee ESPS RAYO ayaa waxay soo qaaday Shixnad Xamuul oo ay ku jiraan Qaboojiyayaasha lagu kaydiyo Dawooyinka iyo qalab kale, kuwaasi oo ay QM soo socdsatay, si loogu taageero dadkii ku dhaawacmay Qarixii ka dhacay Isgoyska Zoope.

Dhinaca kale, Guddiga Samafalka ee Ururka Midowga Europe waxay bilaabeen dadaalka Samafalka ee lagu taageerayo dadkii ku dhaawacmay qarixii bishan 14-dii ka dhacay Muqdisho.

Midowga Europe waxay sannadkan ugu deeqeen  Somalia Taageero Degdeg ah oo dhan 118 million oo EURO.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media