Ururka Midowga Europe “EU” ayaa ku dhawaaqay inuu Kaalmo Lacageed oo dhan 125 million oo Euro u qoonddeeyey in lagu kaalmeeyo dalalka Geeska Afrika ee ay saameeyeen daadadka ka dhashay Roobabka Elnino ee waxyeelladda gaarsiiyey Dhul-beereedyadda iyo Nolosha dadka ku nool Jiinka Webiyadda.
Roobabka Elniino ee sannadkan ka da’ay Afrika waa kii ugu xoogga badnaa tan iyo wixii ka dambeeyey Roobabkii Elniino ee da’ay sannadkii 1997-dii ilaa 1998-dii.
Taageeradda EU haatan bixinayaan waxay 119 million oo Euro ka timid Waaxda Horumarinta Maalgashiga, halka 6 million oo Euro ka timid Miisaaniyadda Hawlaha Samafalka ee Midowga Europe.
Kharajkaasi loo qeybinayaa Dalalka Somalia, Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya iyo Uganda, si wax loogu qabto 14.4 million oo qof oo ay waxyeello ka soo gaareen Roobabkii cuslaa ee Fatahaadda dhaliyey.
Dhinaca kale, Madaxa EU-da ugu qaabilsan Iskaashiga Calamigai yo Horumarinta, Neven Mimica ayaa sheegay inay doonayaan inay hoos loo dhigo saboolnimadda iyo deganaansho la’aanta ka dhalan karta Khasaaraha ka dhashay Roobabkii Elnino.
© Radio Dalsan