Midowga Europe oo berrito ka shiraya Xaalladaha Somalia, Syria iyo dalal kale.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha xubnaha ka ah EU-da ayaa berrito Shirweyne Caalami ku yeelan doona Xarunta Dhexe ee Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Belgium ee Brussels, kaasi oo looga hadli doono xaallado badan oo ku aadan Dalalka Carbta, gaar ahaan Xiisadaha ka aloosan dalalka Somalia, Syria, Libya iyo Yemen.

Madaxa EU=da ugu qaabilsan Siyaasadda iyo Ammaanka, Federica Mogherini ayaa Kulankaasi gudoomin doonta

Kulankaasi ayaa waxaa intiisa lagu lafagurayaa sidii loo taageeri lahaa dalka Syria, wuxuuna Kulankaasi hordhac u yahay Shirweyne kale oo bishan April 4-da ilaa 5-da looga hadli doono Arrimaha dalka Syria.

Dhinaca kale, Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha xubnaha ka ah EU-da iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu Kheyd waxay berrito Kulan Qado ah kaga hadli doonaan Macluusha ka jirta Somalia.

Wasiiradda waxaa u qorsheysan inay soo saaraan Bayaan ay qeybo ka mid ah kaga hadli doonaan Aragtidooda ku aadan Shirweynaha looga hadli doono Arrimaha Somalia, oo ay Dowladda Britain marti gelin doonta bisha May ee soo socota.

Kulankaasi ayaa ku soo beegmao, iyadoo ay Dowladda Britain ka baxday EU-da oo la asaasay bishii November 1-dii ee sannadkii 1993-kii.

©Radio Dalsan