Midowga Europe iyo IGAD oo Taageero Degdega siinaya DFS

Madaxa Midowga Europe ugu qaabilsan Siyaasadda Dibedda, Federica Mogherini iyo Wasiiradda Arrimaha dibedda ee dalalka ku jira Urur-gobaleedka IGAD ee kala ah Somalia, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Sudan, South Sudan iyo Uganda.ayaa kulan ku yeehsay Xarunta Dhexe ee EU-da ee magaalladda Brussels.

Kulankaasi waxaa looga xaajooday Colaadaha ka jira dalalka UGAD, sidii wax looga qaban lahaa Muhaajiriinta sharci-darradda ee ka soo jeeda dalalka Bariga Afrika iyo qaababka lagu taageerayo Horumarinta.

Waxaa kaloo diirada lagu saaray xaqabadaha dhibaatadda ku ah Ammaanka, Deganaanshaha iyo Kheyraadka Geeska Afrika, Horumarinta Dhaqaalaha liita iyo DFembiyadad Caalamiga ee ka dhashay Muhaajiriinta sharci-darradda ugu soo tahriiba Qaaradda Europe.

Hdaal qoraal oo laga soo saaray Shirka EU-da iyo Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee IGAD ayaa lagu sheegay in lagu heshiiyey in la kordhiyo taageeradda Degdegga ee la siinayo Somalia, si loo sameeyo Deegaan waxtar u leh Qaxootiga dib ugu soo laabanayo Somalia iyo in meel la isla dhigo Qaxootiga aan awoodin inay xilligan dib uga so olaabtaan dalalkii horey u marti geliyey.

Si kastaba ha ahaatee, Kulanka EU-da iyo IGAD ku dhex maray magaalladda Brussels ee dalka Belgium ayaa ah Kulankii 2-aad ee ay labada dhinac yeeshaan, waxayna kulankoodii koowaad bishii March ee sannadkan horey isugu arkeen Shirweynihii Madaxda Midowga Afrika ee lagu qabtay Xarunta Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media