Midowga Afrika oo walaac ka muujiyey shixnadaha hubka loo soo daabulayo Somalia.

Taliye-xigeenka Ciiddanka Miodwga Afrika ee ku sugan dalka Somalia, Sarreeye Gaas Nakibus Lakara ayaa sheegay inay khatar dhalin karaan haddii shixnado hub ah soo gaaraan Somalia.

Sarreeye Gaas Nakibus Lakara ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Kooban oo uu siiyey Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda, wuxuuna tilmaamay inuusan isagu xilligan ka hadli karin arrintaasi, balse Mas’uulka keliya ee laga wareysanayo  arrintaasi uu yahay Ergayga Gaarka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia.

Wargeyska waxa uu qoray inay awoodi kari waayeen inay Ergayga AU-da ee Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Francisco Jose Madeira ka wareystaan arrinkaasi, maadaama uu Telefoonka Mas’uulkaasi dansanaa.

Walaacan ayaa yimid, kadib, markii ay Mariniska Fraansiiska ee la socda Markabka Dagaalka Faraniiska ee FS Provence shalay qabteen dooni waday shixnad hub u badnaa qoryaha AK 47 ee Raashiyaanka, iyadoo Doonidaasi ku soo wajahnayd Xeebaha Galmudug.

Doonidaasi ayaa la qabtay, kadib, markii ay aragtay Diyaarad Helikoptar oo duullimaad dhinaca Sirdoonka ku maraysay  Waqooyiga Badweyna Hindiya.

Qabashadaasi ayaa ahayd tii 2-aad oo ay Ciiddanka Caalamiga ku qabtaan doonyo hub u soo waday Somalia, iyadoo bilowgii bishan March ay Ciiddanka Badda Australia qabteen dooni waday shixnad hub oo ka koobnaa 1989 qoryaha AK 47, 100 Gantaalladaha Baasuukaha iyo Hoobiyayaal.

Doonidaasi ayaa la sheegay inay ka soo shiraacatay Xeebaha dalka Iiraan, iyadoo la sii daayey Badmaaxiinta Iiraaniyiinta ee la socotay Doonidaasi.

Dalka Somalia waxaa saaran cunaqabayn dhinaca Hubka kadib, markii ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM soo saareen bishii Janaayo ee sannadkii 1992-kii Qaraar tirsigiisu ahaa 733 oo Somalia lagu soo rogay cunqabatanya dhinaca Hubka, si looga hortago colaadihii xilligaasi socday iyo xaalladdii xumayd ee dhinaca Aadminimadda ee ka jirtay Somalia.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor