Midowga Afrika oo walaac ka muujiyey khatarta miinooyinka Al-Shabaab ay ku Aasaan Wadooyinka

Wakiilka Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxda Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira ayaa qeylo-dhaantaasi ku sheegay War-saxaafadeed uu ka soo saraay Shir looga hadlayey Ka-hortagga Miinooyinka dhulka lagu aaso ee Improvised Explosive Devices (IEDs) oo shalay ka furmay magaalladda Muqdisho.

Waxa uu ku baaqay in la kordhiyo dadaalka looga hortagayo Miinooyinka noocaasi ah oo ay inta badan Alshabaab la beegsadaan Ciiddanka AMISOM iyo kuwa DFS.

Ergayga waxa kale oo uu xusay inay Miinooyinka (IEDs) cabsi ku hayaan dadaalka loogu jiro Deganaanshaha Somalia, wuxuuna Ka-qeybgalayaasha Shirkaasi ugu baaqay inay keenaan xal Farsamo oo looga hor tegi karo Miinooyinka.

Francisco Madeira waxa kale oo uu ka hadlay Nidaamka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo Miinooyinka tahay in la helo Siyaasad Sax ah haddii la doonayp in lagu guuleysto Teknoolajiyadda Dhulka.

Dhinaca kale, Wakiilka Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxda Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira waxa uu ku booriyey inay Milliteriga, Boliska iyo DFS inay iska kaashadaan sidii looga hortegi lahaa khataraha Qraaxyadda ka dhasha Miinooyinka ay Alshabaab la beegsadaan Ciiddanka AMISOM iyo kwua DFS.

Kulanka AMISOM ee looga hadlayo Khataraha Miinooyinka waxaa kaloo ka hadlay Taliyaha Ciiddanka Britain ee ku sugan gudaha Somalia, Richard Maundrell. Wuxuuna ku baaqay in la kordhiyo Wada-shaqynta Saamileyda iyo Hay’addaha Ammaanka ee ku sugan Somalia, si looga hortago cabsida miinooyinka dhulka lagu aaso ee IEDs.

Hay’adda QM ee Ka-hortagga Miinooyinka ee UNMAS ayaa sheegtay inay ugu yaraan 3,000 oo qof ku geeriyodoeen ama ku dhaawacmeen Qaraxyadda Miinooyinkii  IEDs ee Somalia ka dhacay 3-dii sanno ee la soo dhaafay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media