Midowga Afrika oo magacaabi doona Koox dusha kala socota Ka-bixitaanka AMISOM ee Somaaliya

Saraakiil ka tirsan Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa sheegay inay Aragti ahaan isku raaceen in la dhiso Koox khubaro ah oo ay ku jiraan Saraakiil ka socda Dowladaha ay Ciiddamada ka joogaan Somalia.

Kooxdaasi ayaa la filayaa inay isla dejiyaan qaababka ay Ciiddanka AMISOM uga bixi doonaan dalka Somalia marka la gaaro 31-ka bisha May ee sannadka soo socda ee 2018-ka.

Istaraatijiyadda Ka-bixitaanka Ciiddankaasi ayaa la sameeyey. Kadib, markii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika ku baaqeen dardar-gelinta qorshaha lagula baxayo Ciiddanka AMISOM, kuwaasi oo Somalia joogay tan iyo sannadkii 2007-dii.

Dhinaca kale, Guddiga Isku-xirka Hawlgalladda Milliteriga ee AMISOM ayaa ku baaqay in la yareeyo Ciiddanka AMISOM iyo inay mas’uuliyadda Ammaanka ku wareejiyaan Ciiddanka Ammaanka Qaranka Somalia (Somali National Security Forces (SNSF).

Kulanka Guddigaasi oo maalintii Talaadada ee la soo dhaafay ka dhacay magaalladda Addis Abeba ee dalka Ethiopia ayaa waxaa ks qeyb galay Taliyayaasha Ciiddanka Difaaca ee Dowladaha Somalia, Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Nigeria and Uganda) iyo Wakiilo ka socday Deeq-bixiyayaasha Caalamka.

Kulankaasi ayaa waxaa lagu heshiiyey inay Khubarada ka shaqeyn doonaan go’aan-ka-qaadashadda iyo Faahfaahinta Qorshaha Ciiddanka AMISOM looga saari doono Somalia marka la gaaro bsiha May 31-da ee sannadka soo socda ee 2018-ka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media