Midowga Afrika oo Cambaareeyay Afgembigii Milateri ee ka dhacay Guinea

Midowga Afrika ayaa cambaareeyay afgembigii milateri ee ka dhacay dalka Guinea, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo Madaxweyne Alpha Conde.

Bayaan ay si wada jir ah usoo saaareen madaxweynaha Midowga Afrika, Felix Tshisekedi, iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki ayaa looga horyimid tillaabada ay qaadeen ciidanka dalka Guinea.

Bayaan ayaa ugu baaqay golaha  nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika in ay yeeshaan kulan degdeg ah oo looga hadlayo xaaladda cusub ee Guinea, si looga qaaato go’aan ku habboon.

Ciidamada dalka Guinea ayaa shalay ku dhawaaqay inay xireen madaxweynihii dalkaas, iyagoo sidoo kalena  joojiyay shaqadii xukuumaada iyo dastuurkii dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor