Midowga Africa oo dalbatay kordhinta taagerida deganaashaha soomaaliya

Maman Sidikou oo ah Ergayga Midowga Afrika ee Somalia ahna Madaxa howgallada Midowga Africa ee AMISOM, ayaa sheegay in uu ku baaqayo in la kordhiyo taageerida deganaashaha soomaaliya.

“kama quursaneyso kuwa dalaada kawada soomaaliya eek u aadan nabad kusoo dabaalida soomaaliya Mustaqbal ifaaya ee soomaaliya waxaa uu ku tiirsanyahay dadaal iskaashi kaasoo kor uqaadi kara Nabada soomaaliya,” ayuu ku yiri warsaxaafadeed uu kazoo saaray caasimada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu hadlkiisa uu sii raaciyay taageerida ka imaaneysa Midowga Africa iyo beesha caalamka ee ay heleyso soomaaliya, ayaa hogaamineysa dadaalka nabad kusoo celinta soomaaliya, sidoo kale waxaa uu carabka ku dhuftay in soomaaliya iminka ay awood ay uleedahay in ay kobac ka sameyso dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Dalalka Midowga Africa, ayaa ciidamo ku taageeray soomaaliya si ay ula dagalamaan Xarakada Al Shabab.

AMISOM, ayaa kala kulanta weeraro xiliyada qaar dagaalamayaasha Al Shabab, waxaana ugu dambeyay werakii qasaaraha xoogan uu kazoo gaaray Uganada ee ka dhacay degaanka Janale ee Goblka Shabellada Hoose.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor