Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkad ka Shaqeysa dhismaha oo is Daldalay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Berbera ee deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa waxay sheegayaan in magaalada Berbera uu xalay isku daldalay wiil dhalinyaro ah oo daganaa mid ka mid Xaafadaha magaalada Berbera.

Wiilkn Dhalinyarada ah ayaa waxaa Magaciisa lagu sheegay Maxamed Ibraahim Daauud “Riyaale” waxaana uu ka shaqayn  jirey shirkada dhismaha ee Barre Constrution Company isaga u qaabilsanaa maamulka iyo xisaabaadka shirkadda.

Ilaa hadda lama garanayo sababta rasmiga ah ee uu isku daldalay wiilkan dhalinyarada ah,waxaana arintaan si aad ah ula yaaban dadka ku nool Magaalad Berber.

Ciidamada Booliska Saraakiishooda ayaa waxa ay sheegeen in ay arintaani baris ku wadaan islamarkaana kiiskan ay u qabteen Ninkale oo xiliga la arkyay Meydka Ninkaas lajoogay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media