Mid ka mid ah Nabadoonada Caanka ah oo qarax Gaari lagu dilay M/Gaalkacyo

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalakacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi ka dhacay qarax Gaarigiisa loogu xiray Mid ka m id ah Nabadoonada caanka ka ah Magaalada Gaalkac  ee Xarunta Gobolka Mudug.

Nabadoon C/risaaq Muuse Nuur Yare ( Jaxeer)  ayaa xiliga qaraxu la kacay Gaarigiisa wuxuu marayey agaggaarka isbitaalka dhagacade ee xafaada israac magaalada Gaalkacyo.

Wali ma cadda in Gaariga qaraxu horay ugu xirnaa iyo in meesha loogu aasay basle dhaawac culus oo meesha looga qaaday ayaa Xarunta Caafimadka inta uusan gaarin u geeriyooday waxaana Maydkiisa  la geeyey Isbitaalka Dhagacadde ee magaalada Gaalkacyo.

 

Qaraxa Masuulkan lagula eegtay magaalada Gaalkacyo ayaa kusoo aadaya xili magaalada Gaalkacyo sidaan oo kale Gaarigiisa qarax loogu xiray Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo ka tirsanaa Golaha wakiilada Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media