Mid ka mid ah Kooxihii shalay weerartay Masjid ku yaalla Sacuudiga oo isagoo dhawaac la qabtay.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga, Jeneral Mansuur Al-turki ayaa sheegay in la qabtay mid ka mid ah kooxihii shalay weerarat Masjid ku yaalla Degmadda Alxsa, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen 4 qof, iyado o18 kalenaku dhaawacmeen.

Afhayeenka oo la hadlay Telefishinka CNN waxa uu tilmaamay inay labo Maleeshiyo shalay soo weerareen Masjidka, xilligii la tkunayey Salaadda Jimcaha, iyadoo mid ka mid ah Is-qarxiyey, halka midka kalena ay Ciiddanka Ammaanka dhaawaceen, lana qabtay.

Eedeysanahaasi ayaa la sheegay inuu xirnaa Suunka loogu talagalay in lagu fuliyo Falalka Is-qarxinta.

Jeneral Alturki waxa uu weerarkaasi ku tilmaamay Fal Argagixiso oo Fashilmay, mana jirto koox sheegatay inay ka dambeeyeen weerarkaasi oo  ahaa kii 4-aad ee lagu qaado Masid ku yaalla Sacuudigatan iyo bishii May ee sannadkii hore.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor